Wasiir hore ka tirsanaa Puntland oo Goordhow geeriyooday

Waxaa Goordhow Isbitaal ku yaalla Magaalada Ankara ee Caasimadda dalka Tukiga ku geeriyooday Wasiirkii hore ee amniga dowlad Goboleedka Maamulka Puntland Gen. Khaliif Ciise Muddan.

Warar la helayo ayaa sheegaya in Wasiirkii hore ee amniga Puntland uu maalmihii lasoo dhaafay ku xanuunsanyay isbitaal ku yaalla Turkiga, hayeeshee xanuunkii haayay ayuu u geeriyooday, sida aan wararka ku helnay.

Geerida Marxuum General Khaliif Ciise Muddan ayaa waxaa xaqiijiyay qaar kamid ah Eheladiisa oo la jooga iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowlad Goboleedka Puntland, iyagoona ka tacsiyeeyay geeridiisa.

Daqiiqado kadib ayaa waxaa la filayaa in Madaxda ugu sarreeysa maamulka Puntland ay War kasoo saaran geerida General Khaliif Ciise Muddan oo ahaa Wasiirkii hore ee amniga maamulkaas.

Allaha u naxariistee Gen. Khaliif Ciise Muddan, ayaa haatan waxaa uu ahaa la-taliyaha dhinaca amniga ee Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media