Wasiirka Gargaarka oo kulan la leh Masuuliyiin ka tirsan Maamulka K/Galbeed

Waxaa Maanta gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay Wafdi ay hoggaamineyso Wasiirka Gargaarka  iyo maaraynta  Musiibooyinka dowlada Federaalka Maryan Qaasim Axmed.

Sidoo kale Wafdiga waxaa qeyb ka ahaa masuuliyiin ka socota Hay’addha gargaarka ee Caawiya Somaaliya,waxana Magaalada Baydhabo ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed Somaaliya.

Wafdiga ayaa hada Madaxtooyada Maamulka Koonfur Galbeed kulamo kula leh Masuuliyiin ka tirsan Maamulkaas,iyagoo ka wada hadlaya sidii Gurmad loo gaarsiin lahaa dadka ku nool deegaano badna oo ka tirsan Maamulkaas kuwas oo ay abaartu saameysay.

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in Gurmadyo kala duwan ay ka qeybiyaan tuulooyin ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed Somaaliya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media