Wasiir Fowsiya Abiikar oo ka warbixisay xaaladda dalka COVID-19

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur, ayaa maanta ka war bixisay xaaladdii ugu dambeeyay ee COVID-19.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur oo shir jaraa’id ku qabagtay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegtay in dadaallada is-daba joogga ah ee dowlddu sameysay aadaweed lagu guuleestay qorshayaal badan oo qayb ka ahaa dadaallada lagu xakameynayo COVID-19.

Iyada oo sii hadleysay Fowsiya abiikar ayaa waxaa ay tilmaamtay in tirada dadka laga helay Cudurka Coronavirus ee dalka Soomaaliya mareyso 64 ruux, Saddex qofna ay bogsatay, halka ay dalka ugu geeriyoodeen Cudurka 7 Qof.

Wasiirka Caafimaadka iyo la taliyaha nidaamka caafimaadka, Cabdirisaaq Yuusuf Axmed, ayaa shirka jaraa’id kadib waxay ka jawaabeen su’aalo laga weydiiyay arriamah ku xeetay COVID-19.

Wasiirka Caafimaadka Fowsiya Abiikar Nuur waxay ugu baaqday dadka inay guryahooda joogaan hadii aysan jirin arrimo muhiim u ah nolosha, dadkuna kala fogaadaan ugu yaraan laba mitir, taxadar gaar ahna la siiyo dadka da’da ah iyo dadka qabad cudurada daba dheeraada.

Dowladda Soomaaliya oo muhiimadda koowaad siineysa ka shaqeynta bed-qabka bulshada, ayaa dadaal xooggan ugu jirta xakameynta faafitaanka iyo saameynta cudurkaan dhibaatada badan ku haya caalamka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media