Wasiir Fowsiya Abiikar oo faah-faahisay xaaladda Dadkii la karantiilay

Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya,  Fowsiya Abiikar Nuur, oo ka war bixisay xaaladda Caabuqa COVID-19 ee dalka, ayaa sheegtay in qaar kamid ah bukaannada xaaladoodu soo wanaagsanaaneyso, laguna karaantiilay xaafadahooda.

Wasiir Fowsiya Abiikar Nuur waxay sidoo kale sheegtay in laba kamid ah bukaannada COVID-19 ee lagu baxnaaninayo Isbitaal De-Martini ay xaaladdoodu darantahay ayna u baahanyihiin daryeel dheeraad ah.

Marwo Fowsiya Abiikar Nuur  waxay ku celisay in Xanuunku si aayar ah ugu faafayo bulshada dhexdeeda, lagana helay dad dhawaanahaan aan safrin, xiriirna aan la sameyn qaar ka mid ah dadka la xaqiijiyay in cudurka laga helay sidaa darteed ay muhiim tahay in la raacao fariimaha iyo talooyinka caafimad ee ay kamidka yihiin in guryaha  la joogo, in la kala fogaado oo labo mitir la’isu jirsado, In la joogteeyo fara-xalka iyo in la joojiyo Salaanta gacan qaadka ah.

Wasiirka oo sidoo kale ku talisay in si gaar ah xil la isaga saaro xanaaneynta dadka da’da ah iyo dadka qaba xanuunnada daaha ayaa bulshada ugu baaqday in Qof kasta oo isku arko astaamaha lagu garto COVID-19 uu la xariiro lambarka gaaban ee 449 si loo siiyo talo caafimaad ama loo caawiyo.

Dowladda Soomaaliya waxay muhiimadda koowaad siineysaa xoojinta iyo taabbo gelinta tallaabooyinka lagaga hortagayo cudurka, waxayna bulshada  ku boorrineysaa in muwaadiniinta Somaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ay ka shaqeeyaan bed-qabka bulshadeena.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media