Wasiir Fiqi oo farriin ku aaddan Gurmadka Abaaraha u diray Beesha Caalamka iyo Ganacsatada

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiiinta Soomaaliya,  Axmed Macallin Fiqi ayaa ugu baaqay beesha caalamka iyo ganacsatada Soomaaliyeed in ay taageeraan umadda ay abaarta heyso.

“Waxaan ugu baaqeynaa dadka ay abaaraha heyso, ganacsatada waan is aragnay, jawaab ayaan ka sugeynaa”.

Wasiirka ayaa hadalkan ka sheegay shir ku saabsan “ xoojinta xiriirka wadashaqeynta bulshada rayidka ah bahda ganacsatada Soomaaliyeed ee ku aaddan geedi socodka nabad dhiska iyo dib u heshiisiinta” oo uu goordhow ka furay Muqdisho.

Wasiir Axmed Fiqi ayaa ka hadlay ahmiyadda kalsooni dhisidda ee u dhaxeysa dowladda federaalka ah, dowlaha xubnaha ka ah iyo guud ahaan bulshada waxaa uuna yiri “Waxaa jira kalsooni darro ka dhalatay dagaalladii sokeeye dalka ka dhacay, si taas wax looga qabto xukuumadda dan qaran tiirkeeda 3-aad waa kalsooni dhisid, waxaa halkudheg u ah  SOOMAALI HESHIIS, DUNIDA HESHIIS LA AH, shirkan maanta aan fadhinno waa astaan Soomaali heshiis ah, heshiiskeeda ay Soomaali wado”.

Dhanka kale wasiir Axmed Fiqi waxaa uu ku baaqay joojinta dhammaan colaadaha ay abuureen arrimaha daaqsiinka, cimilada iyo qaabab kale ku yimaada waxaa uuna ka yiri “Waxaan ka shaqeyneynaa hindiso la xiriira joojinta colaadaha deegaanka iyo daaqa ku saabsan, lagana shaqeeyo nabad dhis iyo dib u heshiin laga shaqeeyo”.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor