Wasiir Dubbe “Waa nasiib darro Senatoro la doortay July aan Aqoonsi iyo Mushaar heysan”

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Cismaan Abuukar Dubbe ayaa sheegay in muhiim ay tahay in doorashada dalka la dadejiyo, si looga baxo marxalada kala guurka ah ee uu dalku ku jiro.

Wasiir Dubbe ayaa sheegay in maamul Goboleedyada aan weli bilaabin doorashada Golaha Shacabka looga baahan yahay inay si dhaqsi ah u bilaabaan, isla markaana Xukuumadda laga rabo in kaalinteeda ka qaadato daadajinta doorashada dhaceysa.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta ayaa tilmaamay in dib u dhac ku yimid doorashada Golaha Shacabka ay sababtay in weli Senataradii Aqalka Sare ee la doortay aysan helin kaar aqoosni ah iyo Mushaar, ayna qaarkood kasoo tageen shaqooyinkii hore ay haayeen.

“Waa nasiib darro Senatoro la doortay July oo aan card heysan, mushaar heysan shaqooyinkoodii horena ka soo tagay oo heehaabaya bal qiyaas xaaladooda doorashada waa in la dadajiyaa “ ayuu yiri Wasiir Cismaan Abuukar Dubbe.

Dhinaca kale Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe sheegay inay lagama maarmaan tahay xorriyadda hadalka, helitaanka macluumaadka iyo xurmeynta saxafiga.

Hadalkaan ayuu Wasiir Dubbe ka sheegay kulan looga hadlayay xorriyadda hadalka iyo helitaanka xogta inta lagu gudo jiro doorashooyinka Soomaaliya oo ay qabteen Ururradda warbaahinta madaxa bannaan ee ku midoobay dalladda SIMHA.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor