Wasiir Dubbe “Kenya waxaa ay noqotay meel looga soo duulo Soomaaliya”

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa ka hadlay xiriirka u dhexeeya dowladda Federaalka iyo Kenya iyo sababta keentay in Safiir Maxamuud Axmed Nuurtan loogu yeeray inuu dib ugu soo laabto Muqdisho.

Wasiir Cismaan Dubbe oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa dowladda Kenya ku eedeeyay in uusan ka muuqan derisnimo wanaagsan, isla markaana ay ku shaqeyneyso faragelin ay ku heyso siyaasadda arrimaha Soomaaliya iyo arrimo kale oo dhulka ah.

Waxaa uu sheegay Wasiirka in Kenya ay Soomaaliya uga dhaqtay si aan wanaagsan, wuxuuna tusaale u soo qaatay Tigree-gii laga guuleystay oo uu xusay inuu faragelin haayay, isagoo sheegay in Dowladda ay dhinasc kasta ka ilaalisay xiriirka Kenya.

Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta ayaa tilmaamay in Ciidanka Kenya ee qeybta ka howlgalka AMISOM ay isaga baxeen deegaano muhiim ah oo dhaca Gobolka Gedo, iyga aan dowladda Federaalka ku wargelin arrintaas, iskoodana isaga baxeen, ayna dhibaatooyin kala duwan u geysteen shacabka ku dhaqan Gedo.

Isaga oo sii hadlaayay Wasiir Dubbe ayuu Kenya ku eedeeyay inay faragelin xoogan ku heysto Maamulka Jubbaland kuna cadaadineyso inay u fuliyaan danno siyaasadeed oo kasoo horjeeda danta iyo wadajirka ummada Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay in dalkaas uu noqday halka laga soo abaabulo rabshadaha siyaasadeed ee dalka.

Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlaayay dhinaca socdaalka ee dalalka Soomaaliya iyo Kenya ayuu caddeeyay in Kenya ay shacabka Soomaaliyeed ku dhibaateyso safarada, isla markaana ay ku qasbaan baaritaano xad-dhaaf ah iyo marista Gobolka Wajeer, xili ay Kenya duulimaadyadeeda Caalamiga ah ay isticmaalam Hawada dalka.

Ugu dambeyn Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cismaan Aadan Dubbe ayaa Siyaasiyiinta Mucaaradka u digay, wuxuuna ugu baaqay inay ka waantooban danaha dalkooda kahor imaanaya iyo shacabka Soomaaliyeed.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media