Wasiir Dubbe “Kenya waxaa ay adeegsaneysaa Cabdirashiid Janan oo Falaago ah”

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cismaan Aadan Dubbe ayaa ka hadlay abaabul hubeysan oo maalmahaan dowladda Kenya ay ka wado xuduudka labada dal, kadib markii dowladda ay xiriirkii diblomaasiyadeed u jartay  Kenya.

Wasiir Dubbe ayaa nasiib darro ku tilmaamay in Kenya xiligaan abaabul ka sameeyo xuduudka Soomaaliya markii uu xumaaday xiriirka labada dal, ayna dooneyso inay kusoo duusho Ciidanka dowladda Federaalka ee ku sugan duleedka degmada Balad-xaawo.

Wasiirka Warfaafinta oo la hadlay BBC-da ayaa u sheegay in Ciidanka dowladda aysan amar u heysan inay ka tallaaban xuduudka, ayna dowladda ku dadaaleyso inay ka fogaato isku dhac khasaaro geysta oo labada dhinac dhexmara.

Sidoo kale Wasiir Dubble ayaa Carabka ku dhuftay in jabhada hubeysan ee Kenya kusoo daabushay xuduudka uu hogaaminayo Wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan oo ka baxsaday xabsi ku yaalla Magaalada Muqdisho.

“Dadka deegaanka oo dhan waa ay ogyihiin, Kenya waxay adeegsaneysaa nin xabsiga Muqdisho ka baxsaday oo la yiraahdo Cabdirashiid Janan, ninkaas ayey u uruuriyeen ciidan, waxayna rabaan inuu xuduuda ka soo tallaabo, taasi ma qarsoona dadka deegaanka ayaa og, anagaa og, ciidamada xoogga ee xuduuda ku suganaa og” ayuu yiri  Wasiir Dubble.

War-saxaafadeed shalay kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda ay ogaatay in Kenya ay hub iyo maleeshiyaad kusoo daad-gureysay Mgaalada Mandheera, si duullaan loogu soo qaado Magaalada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo.

Dowladda ayaa Kenya uga digtay ficillada gurracan ee ay ku wiiqayso nabadgalyada guud ee Gobolka Geeska Afrika, waxaana Dowladda ay sheegtay inay ay qaadeyso tallaabo kasta oo ay ku xaqiijinayso Madaxbannaanideeda siyaasadeed.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media