Wasiir Dubbe: “Halla daayo doorashada Malxiiska ah, haddaan la dayn Karin, daaya midda niqaaban”

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cismaan Abuukar Dubbe oo ka hadlayay arrimaha doorashooyinka dalka ayaa tilmaamay inay muhiim tahay in dadka ku tarramaya kuraasta Golaha Shacabka ay noqdaan dad wajiyadooda la arki karo, una diyaarsan tartan ku dhisan daah furnaan ee aysan noqon dad niqaaaban.

“Guddiyada doorashada waxaan leeyahay ha laga daayo doorashada malxiiska, hadaan laga daynayna ha laga daayo midka niqaaban,” . Ayuu yirii Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Cusmaan Abuukar Dubbe oo ka qeyb galay xafladda furitaanka Telefeshinka iyo Raadiyaha Arlaadi oo ku bixi doona Lahjadda Mayga.

Wasiir Dubbe ayaa xusay in lahjadda mayga ay tahay in la barto, bulshadana ay wax badan ka faa’iididoonaan, maadaama ay tahay quruxda Afka Soomaaliga.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor