Wasiir Caadle oo markale sameeyay xilka qaadis iyo Magacaabis

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo dowladaha Hoose ee Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa xilkii looga qaaday Guddoomiye ku-xigeenka Amniga Gobolka Hiiraan.

Wasiir Caadle ayaa xilka Guddoomiye ku-xigeenka amniga Gobolka Hiiraan u magacaabay inuu noqdo Maxamed Meeris Isaaq, isagoo bedelaya Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Cali Diiriye Cismaan.

Dhammaan hay’addaha amniga iyo shacabka Hiiraan ayaa waxaa la faray inay la shaqeeyaan Mas’uulka Cusub si uu u guto waajibaadkiisa shaqo ee loo idmaday.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa xalay Guddoomiye Cusub u magacaabay Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, isagoo xilkii ka qaaday Guddoomiyihii hore ee degmadaas.

Si kastaba xilka qaadista iyo Magaacbsita uu sameeyay Wasiir Caadle ayaa waxaa ay kusoo aadeysaa, iyadoo shalay Qoraal kasoo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle lagu joojiyay dhamaan wareegtooyinka xilka qaadista, Magacaabista iyo shaqo joojinta ee ku aadan Mas’uuliyiinta ka tirsan Hirshabeelle.

Hoos ka Akhriso Wareegtada Mgacaabista ah ee kasoo baxday Wasiir Caadle.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media