Wasiir Caadle oo Magacaabay Guddoomiye Degmo iyo Mas’uul kale

Wasiirka Arrimaha gudaha iyo dowladaha Hoose ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa Guddoomiye Cusub u magacaabay Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiir Maxamed Caadle ayaa waxaa Guddoomiyaha Cusub ee Degmada Maxaas loogu Magacaabay inuu noqdo Cabdi Muumin Cilmi, isagoo bedelaya Guddoomiyihii hore ee degmadaas Muumin Maxamed Xalane.

Sidoo kale Wareegtada ayaa waxaa xilkii looga qaaday Guddoomiye ku-xigeenka Maaliyada iyo Siyaasada Gobolka Hiiraan Xasan Ibraahin Cabdulle, waxaana xilkaas loo Magacaabay Abuukar Cabdulaahi Maadeey.

Ugu dambeyn dhamaan hay’adaha kala duwan ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa la faray inay la shaqeeyaan Mas’uuliyiinta Cusub ee uu Magacaabay Wasiirka Arrimaha gudaha Hirshabeelle.

Hoos ka Akhriso Wareegtada Magacaabista ee Mas’uuliyiinta Cusub.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media