Wasiir Beyle oo UK kala hadlay taageerada dib-u-habeynta hannaanka dhaqaalaha dalka

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa kulan la qaatay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Kate Foster iyo Wakiilka Arrimaha Geeska Afrika iyo Badda Cas Philip Parham.

Wasiir Cabdiraxmaan Beyle ayaa laba Mas’uul kala hadlay Arrimo ku saabsan sii wadidda taageerada horumarineed ee Maaliyadda iyo dib-u-habaynta hannaanka dhaqaalaha Soomaaliya, sida uu ku sheegay Qoraal uu soo saaray Wasiirka Maaliyadda.

Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa tilmaamay in kulanka uu la yeeshay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Kate Foster iyo Wakiilka Arrimaha Geeska Afrika iyo Badda Cas Philip Parham uu ahaa mid muhiim ah oo lagu xoojiyay taageerada horumarineed ee Maaliyadda

“Waxa aan kulan muhiim ah la qaatay masuuliyiinta Dowladda UK oo kala ah #Kate_Foster Safiirka iyo Wakiilka Arrimaha Geeska Afrika iyo Badda Cas #Philip_Parham. Waxa aan ka wadahadlanay sii wadidda taageerada horumarineed ee Maaliyadda iyo dib-u-habaynta hannaanka dhaqaalaha Soomaaliya” ayuu yiri Beyle.