Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dowladda oo Shir muhiim ah ka furtay Muqdisho

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen ayaa Muqdisho ka furay shirka wadatashiga istraatiijiyadda caafimaadka xoolaha .

Shirka wadatashiga istraatiijiyadda caafimaadka xoolaha oo ay iska kaashanayaan Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, dhirta iyo daaqa Soomaaliya iyo Hey’adda FAO ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiinta Wasaaradda, xubno ka socday maamul goboleedyada iyo xeel dheerayaal ku xeel dheer caafimaadka xoolaha.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen oo shirka furay ayaa xusay in istiraatiijiyadan ay muhiim u tahay sidii loo horumarin lahaa caafimaadka xoolaha, taas oo Soomaaliyana ku hogaamineysa inay tartan u gasho suuqayada caalamiga ah ee ganacsiga xoolaha oo kamid ah Ilaha dhaqaale ee dalka.

“Sharaf weyn ayey inootahay in aad nagala soo qeyb gashaan shirkaan wadatashiga ee loo ga hadlayo sidii loo hourmarin lahaa caafimaadka xoolaha iyo caafimaadka dadka intaba, sidoo kale tani waxa ay muhiim u tahay in Soomaaliya ay galaangal ku yeelato suuqyada caalamka, islamarkaana ay Soomaaliya tartan lagasho wadamada dhoofiya hilibka iyo xoolaha” ayuu yiri Wasiir Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen .

Waa markii labaad oo ay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha qabato shirka wadatashiga istaraatiijiyadda Caafimaadka xoolaha, taas oo xooga saareysa caafimaadka xoolaha oo dalka uu hodan ku yahay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media