Wasaaradda Waxbarashada oo shaacisay Natiijada Imtixaankii dugsiyada sare

Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Khamiis ah waxaa ay shaacisay natiijada guud ee imtixaanka dugsiyada sare ee dalka.

Sidoo kale wasaarada waxarashada hiddaha iyo taclinta sare ayaa shaacisay 10-ka arday ee ku guuleystay Imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare ka lagay kalimaha hore, iyadoo ay ka qeyb galeen 34908 Arday.
Imtixaankii ay qaaday Wasaarada Waxbarashada Hiddaha iyo tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka ayaa waxaa ku baasay oo gudbay 3,262 Arday, halka 4,646 Ardyna ay ku dhaceen Imtixaanka Wasaarada Waxbarashada.

Ardayga kaalinta koowaad ka galay Imtixaankii shahaadiga dowladda ayaa lagu magacaa Cawaale Axmed Awcali Barre, kaasi wax ka bartay Iskuul lagu magacaabo Waaberi Gaalkacyo oo ku yaalla Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, waxaana kaalinta labaad galay Arday lagu magacaabo Maxamed Cali Cabdiraxmaan oo wax ka bartay Iskuulka Al-salam oo ku yaalla Muqdisho.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor