Wasaaradda Gargaarka xilgaarsiinta oo ka Jawaabtay Eed loo jeediyay Khadiijo Diiriye

Wasaaradda Gargaarka iyo maareeynta Musiibooyinka Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa sharci darro ku tilmaamtay Warqad lagu baahiyey baraha Bulshada oo xubno ka tirsan shaqaalaha Wasaaraddaas ay eedeymo ugu jeediyeen Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye.

Qoraal kasoo baxay Agaasimaha guud iyo Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda Gargaarka ayaa lagu sheegay in aysan jirin Warqad kasoo baxday Xafiiskooda, ayna Wasaaradda ku guda jirto hubinta cida isticmaashay sumadeeda.

Wasaaradda Gargaarka ayaa sidoo kale sheegtay in uusan jirin qof ku heyb ah Wasiirka Wasaaraddaas Khadiijo Maxamed Diiriye oo tan iyo markii la aas-aasay Wasaaradda maalin ka noqday shaqaale, waa sida lagu yiri Qoraalka.

Sidoo kale Wasaaradda ayaa tilmaamtay in shaqaalaha ka howlgala Wasaaradaha dowladda aysan jirin qoondo shaqaale oo ay leeyihiin dowlad Goboleedyada, iyagoona xusay in aysan jirin shaqaale rayid ah oo afartii sano ee lasoo dhaafay qoreysay dowladda.

Qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda Gargaarka iyo maareeynta Musiibooyinka Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye ku eedeeyey in ay si bareer ah uga jartay Mushaharkii iyo gunnooyinkii ay qaadanayeen.

Shaqaalahaas oo ah lix iyo toban qof oo isku deegaan ka soo jeeda ayaa sida ay qabaan tirsanaya in lagu faquuqayo deegaanka ay ka yimaadeen awgii, Wasiirka wasaaraddana ku eedaynaya in ay ku beddeshay shaqaale deegaankeeda ka soo jeeda.

Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka Wasaaradda Gargaarka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor