Wasaaradda Caafimaadka XFS oo War kasoo saartay geeridii Khaliif Muumin

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Saciid Cabdullaahi oo la hadlay Warbaahinta dowladda ayaa sheegay in maanta qofki labaad ku geeriyooday dalka caabuqa Coronavirus.

Qofka dhintay ayaa ah Wasiiru dawlihii wasaarada Cadaalada Hirshabeelle ahaana xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka dowlad Goboleedka Hirshabeelle Khaliif Muumin Tooxow.

Wasiirka ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada ayaa Alle uga baryay inuu Janada ka waraabiyo Xildhibaan Khaliif Muumin, qoyskiisa iyo qaraabadii uu ka baxayna Samir ka siiyo.

Sidoo kale Wasiirka kuxigeenka Wasaaradda Caafimaadka Maxamed Saciid Cabdullaahi ayaa markale shacabka soomaaliyeed ugu baaqay inay qaatan fariimaha wacyigelinta si looga hortago faafifaanka Cudurkaan safmareenka ah ee dunida oo dhaan ay si xowli ula tacaalayaan sidii loo xakeyn lahaa.

Waa qofkii labaad ee dalka ugu geeriyooda Cudurka qatarta ah ee Coronavirus dalka waa 21 ruux tirada guud ee kiisaska ilaa hada laga diwaan geliyay dalka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media