Wasaaradda Caafimaadka XFS oo lagu wareejiyay qalab caafimaad oo muhiim ah

Wasaaradda caafimaadka xukuumadda fedraalka Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah la wareegtay qalab caafimaad oo loogu talagalay caabuqa Corona oo fara ba’an ku haya dalal badan oo caalamka isla markaana ay ku jirto Soomaaliya.

Hay’adda Caafimaadka Aduunka ayaa waxa ayaa Qalabka Baaritaanka Cudurka Corona ku wareejisay Wasaardda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, Waxa lacagta qalabka lagu soo gaday ku deeqday Safaaradda Talyaaniga Ee Soomaaliya. Waxaana gacan ka gaystay keenista qalabkan Hay’adda Cunnada Aduunka.

Soomaaliya waxa ay ka mid tahay dalalka uu ka jiro caabuqa Corona waxaana dalalka caalamka qaarkood ay ugu deeqeen qalab loogu talagalay ka hortaga cudurka Coronavirus.

Dhinaca kalana wasaaradaha caafimaadka ee maamul gobaleedyada aayaa iyagana lagu wareejiyay qeyb ka mid ah qalabkii horay ay deeqa ahaanta ugu heshay dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Waxaa la xaqiijiyay ilaa iyo haatan 12-kiis oo la xiriira Faruska Corona kuwaas oo wasaaradu ay shaacisay iyada oo qofkii ugu horeeyay Soomaaliya uu ugu geeriyooday xanuunkaas halka qof kalana la shaaciyay in uu ka bogsooday.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media