Wasaaradda Caafimaadka oo ka hadashay Xariga Agaasime Maxamuud Buule

Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur ayaa Maanta ka hadashay Xarig Magaalada Muqdisho loogu geystay Agaasimiha Maamulka iyo Maaliyada Wasaarada Caafimaadka Xukuumadda Maxamuud Maxamed Buule.

Fowsiya Abiikar oo warbaahinta Shir Jaraa’id u qabatay ayaa waxaa ay sheegtay in 4-tii Bishaan la xiray Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyada ee Wasaaradda Caafimaadka Maxamuud Buule, isla markaana xarigiisa aan lagu soo wargelin Wasaaradda.

Waxaa ay sheegtay Wasiirada in ilaa iyo hada aysan ogeyn sababta rasmiga ah ee loo xiray Agaasime Buule, uuna socdo baaritaano kala duwan oo ku aadan waxa keenay in xabsiga la dhigo Agaasimaha.

Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa tilmaamtay in baaritaanka xariga Agaasimaha ay la kaashan doonaan Xeer Ilaaliyaha Qaranka Hanti-dhowraha Qaranka Soomaaliya.

Saacadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa soo baxayay warar sheegaya in Agaasime Maxamuud Maxamed Buule loo xiray sababo la xiriira inuu Musuq-maasuqay lacag loogu talagalay ka hortega faafida Cudurka Coronavirus oo hay’addo Caalami ah ay dowladda Soomaaliya  ugu deeqeen.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media