Wasaaradda Caafimaadka oo faah faahisay xaaladda dalka ee Cudurka COVID-19

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in la diiwaan geliyay 67xaalado cusub oo COVID-19 ah 24-kii saac ee la soo dhaafay, 8 qof ayaa u geeriyootay, waxaana ka bogsatay 71 ruux.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay Somaliland (15), Puntland (33), gobalka Banaadir (14), Jubbaland (5) , 42 ka mid ah bukaannada la xaqiijiyay waa rag, halka 25-na ay yihiin haween.

Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 17,466 waxaa bogsootay 8,531 Ruux. guud ahaan 977 ruux oo kale ayaa u geeriyootay cudurka.

Cudurka halista ah ee COVID-19 ayaa u muuqda mid siweyn gudaha dalka Soomaaliya ugu sii faafaya, isla markaana waxaa xusid mudan in dad farabadan ay Cudurka ugu geeriyoodeen dalka, halka kuwo kalena uu ku dhacay oo ay ka bogsadeen.

Fowziya Abiikar Nuur ayaa bulshada ka codsatay inay qaataan talooyinka caafimaad ee laga helayo khuburada caafimaadka ku takhasusay iyo wacyi gelinta kale ee bulshada lagu ogeysiinayo khatarta cudurkaan uu dadka ku keeni karo, maadaama uu markale soo labo kacleeyay halista cudurka COVID-19, ayna ku dadaalaan qaadashada talaalka cudurka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor