Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo shir ka furtay Muqdisho

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo dib u Heshisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxaa ay magaalada Muqdisho ka daahfurtay Shirka 2-aad ee dib-U-Eegista Hanaanka dhab u Heshisiinta Qaran.

Shirkaan oo socon doono mudo labo Maalmood waxaa daahfuray Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo dib u heshisiinta ee XFS Mud. Saciid Cabdullahi Calasow.

Waxaana shirkan oo sanadkii mar la qabto kasoo qayb galay Xubno ka socda Dowlad Goboleedyada Dalka,Gobolka Banaadir, Odayaasha Dhaqanka iyo Ururada Bulshada Rayidka.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor