Wasaaradda arrimaha dibadda oo loo Magacaabay Wasiir Cusub

Wareegto ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaharaha Soomaaliya ayaa waxaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya loogu magacaabay  Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar, kaasi oo badali doono Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibada Dalka Axmed Ciise Cawad.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya  Cismaan Abuukar Dubbe ayaa wareegtada ka akhriyay Telefishinka Qaranka, waxaana uu sheegay in wareegtadan ay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ka soo baxday maanta oo ay taariikhdu tahay 19 bisha November ee sanadka 2020.

Wasiir Dubbe ayaa sidoo kale sheegay in Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u magacaabay safiir mudane Axmed Ciise Cawad.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media