Wasaaradda Amniga Maamulka Hirshabeelle oo Digniin cusub soo saartay

Wasaaradda amniga dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa soo saartay Amar ku socda dadka ka Ganacsada waxyaabaha maanka dooriya iyo kuwa Isticmaala intaba ee ku sugan deegaanadda Maamulkaas.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Amniga Hirshabeelle ayaa waxaa lagu sheegay in khatar amni iyo mid Caafimaad ay leeyihiin maandooriyeyaasha noocyadiisa kala duwan oo ay ugu horreeyaan Xashiishka iyo Qamriga, ayna dhibaato u geysteen dhallinyada.

Wasaaradda amniga ayaa fartay hay’adda amniga Maamulka Booliska iyo Nabadsugida inay tallaabo amni ka qaadan dadka ka Ganacsada iyo kuwa Isticmaala waxyaabaha maanka dooriya, si looga hortego dhibaatada amni oo ay leeyihiin waxyaabahaas.

Sidoo kale Wasaaradda amniga Hirshabeelle ayaa Digniin u dirtay dadka ku howlan ka Ganacsiga Mukhaadaraadka, diyaarintiisa iyo beeristiisa intaba, waxaana Waasaaradda sheegtay in cid kasta oo lagu arko laga qaadi tallaabo sharciga waafaqsan.

Hoos ka Akhriso Qoraalka ay soo saartay Wasaaradda amniga Hirshabeelle.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor