Warbixin: Markab ku degay Badda Cas oo laga digayo Qataraha ka dhalan kara

Qaramada Midoobay ayaa ka digaysa masiibo aad u weyn oo ka dhalan karta, shidaal ku daata Badda Cas oo ah marin biyood aad u muhiim ah, haddii aan xal degdeg ah loo helin shidaalka ku kaydsan Markab nooca shidaalka qaada ah oo xumaaday oo taagan meel u dhow xeebaha dalka Yemen.

Markab lagu magcaabo FSO Safer oo uu ku kaydsan yahay shidaal ka badan illaa hal million oo foosto ayaa taagan meel u dhow xeebaha dalka Yemen. Markabkan ayaa ah mid aad u duugoobay, waxaana la joojiyey shaqadii dayac-tirka ahayd ee laga qaban jiray, ka dib markii uu bilaabmay dagaalkii sokeeye ee dalka Yemen, sannadkii 2015.

Qaramada Midoobay ayaa hore u sheegtay in kharashka ku baxaya hawlgalka lagaga hortegayo inuu daato shidaalka ku kaydsan markabkani inuu gaadhayo illaa $80 oo dollar, kaas oo soconaya muddo bilo ah.

Qaramada Midoobay ayaa haatan sheegaysa in qaadhaan-bixiyayaashu ay ku yabooheen illaa $66 million oo dollar, taas oo weli la sugayo in la helo illaa $14 million oo dollar oo ka dhiman kharashka la sheegay inuu ku baxayo hawlgalka badbaadada ee markabkan.

Saraakiisha Qaramada Midoobay ayaa sheegay inaan hawlgalka la bilaabi karin illaa inta gacanta lagu dhigayo lacagtaas, iyagoo dhinaca kalena walaac ka muujiyey, in xattaa lacagta la ballanqaaday inaan qaybo badan oo ka mida aan weli la soo gaadhsiinin bangiyadii ay ahayd in lacagahaas lagu shubo. Russel Geekie oo ah sarkaal u qaabilsan Qaramada Midoobay dhinaca isgaadhsiinta ayaa sheegay inay heleen oo keliya illaa $10 million oo ka mida lacagta la ballanqaaday.

Russell ayaa sheegay in xaaladda markabka FSO Safer, inay tahay mid halisa, waxaana suuro-gala inuu markabku shidaalka daadiyo ama qarxo xilli kasta, taasoo keenaysa masiibo aad u weyn oo dhinaca deegaanka ah.

Russell ayaa xaaladda markabkan ku macneeyey inay tahay, bom dhex taagan badda oo sugaya oo keliya inuu qarxo. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in haddii uu daato shidaalka ku jira markabkani, inay keenayso khasaare ka badan illaa $20 billion oo dollar oo ah nadiifinta oo keliya, waxaa sidoo kale ay arrintaasi halis gelinaysaa illaa 200,000 oo qof oo ku tiirsan kalluumaysiga biyaha badda cas.

 

VOA News ayaa warbixintan daabacday

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor