HomeWararWararkii ugu danbeeyay Sarkaal Ciidan oo saaka lagu dilay Magaalada Muqdisho

Wararkii ugu danbeeyay Sarkaal Ciidan oo saaka lagu dilay Magaalada Muqdisho

Date:

Related stories

Dagaalka Romero: Real Madrid, Atletico iyo Man Utd oo isku eryanaya kabtanka Tottenham

Cristian Romero ayaa laga yaabaa inuu ciyaaray kulankiisii ugu dambeeyay ee Tottenham ka dib dhaawac jilibka ah iyo kooxda oo u laabanaysa Championship-ka.

Ruto Lands 8 Major Deals in Rome as Kenya, Italy Sign New Action Plan

President William Ruto's state visit to Italy has yielded eight new agreements, cementing a three-year action plan with Rome. The wide-ranging deal covers everything from military cooperation and AI to restoring the Cherangany Forest and upskilling Kenya's youth.

Nairobi: Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka UN-Habitat ee horumarinta magaalooyinka

Wafdiga Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Wasiiru Dowle Saciid Xayd ayaa Nairobi kaga qayb galay kalfadhiga UN-Habitat.

Soomaaliya iyo Isku-tashiga: Xarunta Tamarta iyo Biyaha oo loo dhisay qaab casri ah

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xarigga ka jaray xarun casri ah oo ay yeelanayso Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha.

Sidee Turkigu u Qodayaa Ceelka Curad-1 ee Badda Soomaaliya? Sirta Qalabka Waaweyn!

Mashruuca Curad-1 waa wejigii koowaad ee Soomaaliya ay ku noqonayso waddan shidaal soo saara.

Waxaa saaka xaafadda Sii-Sii ee degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho lagu dilay Sarkaal la sheegay inuu ka tirsanaa Ciidanka dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa Milateriga, kaasi oo lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Xuseen Warsame (Waran ).

Dad ayaa waxaa ay kusoo warrameen in rag dhallinyaro ah oo watay Mooto nooca laba lugaaleyda ah ee Fekon-ta loo yaqaan ay dileen Jeneraal Cabdullaahi Xuseen Waran oo durbadii ku dhintay goobta lagu toogtay.

Kooxihii ka danbeeyay dilka loo geystay Jeneraalka ka tirsanaa Ciidanka Milateriga dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa goobta si dhaqsi ah uga cararay, mana jirto cid loo soo qabtay dilkaas khaarijinta ahaa ee ka dhacay degmada Deyniile ee Muqdisho.

Dilka Cabdullaahi Xuseen Warsame (Waran ) ayaa kusoo aaday, iyada oo xalay kooxo hubeysan oo watay bastoolado ay gudaha degmada Dharkeenley ku dileen, Imaamkii masaajidka Dabaqeynka ee degmada Dharkeenley Sheekh Cabdicasiis Maxamed Xirsi.

Muqdisho ayaa waxaa marar kala duwan lagu dilay dad shacab ah, mas’uuliyiin, Askar iyo xubno kale, waxaana inta badan dilalkii ka dhacay magaalada Muqdisho mas’uuliyadooda sheegtay dagaalamayaasha Al-shabaab.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories