Wararkii ugu danbeeyay Rasaas weli ka socota Hotelka Xayaat ee Magaalada Muqdisho

Rasaas goos-goos ah ayaa weli ka socota gudaha hotelka Xayaat oo ay is-dhaafsanayaan Ciidanka dowladda Federaalka iyo rag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab oo xalay weerar ku bilowday qaraxyo Is-miidaamin ah ku qaaday hotelka oo ku yaalla  Muqdisho.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska ayaa sheegay inay wadaan howlgalkii ugu danbeeyay ee lagu soo afjarayo weerarkii Al-shabaab ku qaaday hotelka Xayaat, isla markaana halkaas uu ka socdo dagaal qaatay in ka badan 13 saacadood oo xiriir ah.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo aad u badan ayaa ka dhashay weerarka, waxaana warar hordhac ah oo la helayo ay sheegayaan in dad gaaraya 15 qof ay ku dhinteen weerarkaasi, halka dhowr qof kalena ay ku dhaawacmeen.

Dadka dhaawacmay ayaa waxaa la geeyay Isbitaalo ku yaalla Magaalada Muqdisho oo haatan xaaladdooda Caafimaad lagu dabiibayaa, sidoo kale waxaa hotelka laga soo saaray oo ku go’doonsanaa dad badan oo xilliga weerarka uu bilaabayay ku sugnaa.

Laamaha ammaanka dowladda Federaalka ayaan weli si rasmi ah uga hadlin khasaaraha ka dhashay weerarka iyo qaraxyadii dhacay, waxaana xusid mudan in weli howlgal uu ka socdo hotelka Xayaat, Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada weerarka, iyagoo intaas kusii daray inay ka dhex dagaalamayaan hotelka Xayaat ee Magaalada Muqdisho.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor