Wararkii ugu danbeeyay Dagaalka Ciidanka K/Galbeed iyo kuwa la magac baxay Badbaadada

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal u dhexeeya ciidanka Maamulka Koonfur Galbeed iyo kuwa la magac baxay badbaadada Koonfur Galbeed ee taageersan Musharaxiinta mucaaradka oo saaka ka socda magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Dagaalkan ayaa waxaa markii hore uu ka bilowday, kadib markii Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Koonfur Galbeed ay weerar ku qaadeen Guri ay ku sugnaayeen ciidanka la magac baxay badbaadada Koonfur Galbeed, sida ay ku warrameen dadka deegaanka.

Rasaas xooggan oo labada dhinac isku adeegsanayaan dagaalka socda ayaa laga maqlayaa xaafaddo ka tirsan magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, waxaana wararkood ay sheegayaan in dagaalka uu ka dhashay khasaaro kala duwan.

Dhinaca kale Wasaaradda Amniga Koonfur Galbeed ayaa sheegtay in ciidamada ammaanka Maamulka oo howlgal rondo ah ku jira ay soo weerareen kooxo burcad ah jidkooyo u dhigtay oo rabay in amniga qalqal geliyaan.

Wasaaradda amniga oo Qoraal kooban soo saartay ayaa intaas waxaa ay kusii dartay in  , waxkasto oo amniga caasimadda KMG ah ee Baydhabo khal-khal gelinaya ay  gacan bir baan iskaga qaban doonaan, xilii xaaladda Baydhabo ay tahay mid kacsan Maanta.

Si kastaba maalmo kahor ayey aheyd markii Baydhabo looga dhawaaqay Ciidamo la magac baxay badbaadada Koonfur Galbeed, kuwaasi oo taageersan musharixiinta diidan muddo kororsiga Madaxweynaha Maamulkaas Cabdicasiis Xasan Maxamed lafta-gareen.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor