Wararkii ugu dambeeyey xaaladda siyaasadeed ee Itoobiya

Dalka Ethiopia waxaa xilka Afhayeenka Aqalka sare ee dalkaasi markii ugu horreysay shalay loo dhaariyay Aadan Faarax Ibraahim oo ahaa madaxweyne ku-xigeynka Dowlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia kadib markii xubnaha xubnaha Aqalka sare ee Ethiopia ay cod aqlabiyad ah ugu codeeyeen Aadan Faarax.

Waxay ahayd markii ugu horreysay oo qof Somaali ah xil noocaasi ah uu ka qabto dalka Ethiopia tan iyo inta taariikhda la xasuusto.
Xildhibaanada dalka Ethiopia ayaa sidoo kale muddo kordhin u sameeyay xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed iyo sidoo kale hogaamiyeyaasha gobollada dalka.

Arrintan ayaa imanaysi xilli maalintii Isniinta ee lasoo dhaafay ay is-casishay Afhayeenkii Aqalka sare ee Ethiopia Kheyriya Ibraahim oo kasoo jeedda Gobbolka Tigray-ga ee Ethiopia, gobolkaas oo kasoo horjeeda qaabka ay Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed iyo xulufadiisu ay wax u wadaan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media