Wararkii ugu dambeeyey ee Shirka Kismaayo iyo qodobo laga soo saarayo

Magalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada Hoose waxaa weli ka socda Shirka golaha Iskaashiga dowlad-goboleedyada dalka,kaas oo Maanta oo Sabti ah la filayo in la soo geba gabeeyo,isla markaana Warmurtiyeed laga soo saaro.

Shirkan waxaa garab socdey Shirar kale oo gooni gooni ah kuwaas oo u dhaxeeyay Wasaaradaha dowlad-goboleedyada dalka, waxaana looga hadlayay wada-shaqayn dhex marta dhammaan Wasaaradaha dowlad-goboleedyada.

Shirka golaha Iskaashiga ayaa Arrimaha ugu badan ee looga doodayay ayaa waxaa ka mid ah,Iskaashiga dowlad-goboleedyada,Amniga,Dhaqaalaha iyo Hannaanka geedi socodka guud ahaan Siyaasadda dalka.

Saacadanaha nasoo aadan ayaa la filayaa in shirka la soo geba gabeeyo,iyada oo weli aan sirasmia ah loo ogeyn qodobada ay soo saari doonaan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor