Wararkii ugu dambeeyay Xaaladda Magaalada Boosaaso iyo Xiisad ka taagan

Magaalada Boosaaaso ee Xarunta Ganacsiga Dowlad Goboleedka Puntland ayaa laga soo sheegayaa xaalad kacsanaan ah, kadib xiisad maal mahaan taagnayd oo u dhaxaysa Madaxa Puntland iyo Ciidanka PST-ta Puntland.

Wararka ina soo gaaraya ayaa sheegaya in Xalay saqdhexe Ciidan Farbadan lagu daabulay Magaalada, kuwaasi oo sida la sheegay qayb ka noqon doona Ciidankii horay u joogay eek a socday Madaxtooyada Puntland.

Labada dhinac ayaa wada abaabul sida wararku sheegayaan, waxaana dadka ku nool magaalada ay kusoo warramayaan in xaaladdu ay tahay mid kacsan, iyadoo ay jiro cabsi ay ka qabaan in lagu dul dagaalamo, maaddama Ciidanka PSF-ta ay iyaguna ku sugan yihiin qaybo ka mid ah Magaalada.

Iyadoo xiisaddaasi ay taagan tahay ayaa lagu soo warramayaa in Magaalada ay caadi kusoo laabteen Adeegyadii bulshada oo hakad u galay cabsi ballaaran oo laga qabay in dagaal dhaco, waxaana la arkayaa Xarumaha waxbarashada oo saaka dib u furmay, inkastoo weli labada dhinac ee PSF iyo Madaxtooyadu uusan u furmin wax wada-hadal ah oo ay difaacyada isugu jiraan.

Xiisadda Boosaaso ayaa kusoo aadaysa, iyadoo Madaxweynaha maamulkaasi Siciid cabdullaahi uu amray in cid waliba oo sharciga ku xad gudubta ay ciqaab mutaysan doonto,xili uu shalay ka qayb galay munaasab xil wareejin ah, sidoo kale Deni ayaa socdaal ku mari doona degaanno ka tiran Puntland.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor