Wararkii ugu dambeeyay waan-waanta laga dhex wado Farmaajo iyo Rooble

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa weli waan-waan ka dhex wada Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in kulamo saacado badan qaatay oo Qoorqoor iyo Guddoomiye Mursal la yeesheen Farmaajo iyo Rooble horumar laga sameeyay oo ay soo gaarsiiyeen heer labada dhinac isku soo dhowaadeen.

Guddoomiye Mursal iyo Qoorqoor ayaa labada dhinac kala hadlay sidii xiisada loo dejin lahaa, isla markaana la xalinayo khilaafka xoogan ee u dhexeeya labada Mas’uul oo salka ku haaya awoodaha dhinaca Sharciga iyo kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

Kulamadii dhacay ayaa laga helay warar sheegaya in shuruudo ay jiraan sida doodda dhaheysa in Wasiirka Amniga C/llaahi Maxamed Nuur loo wareejiyo Arrimaha Gudaha, waana dood xoog leh oo dhanka Farmaajo ka socoto iyo in Bashiir Goobe la geeyo meel kale oo aan aheyn Taliska NISA oo uu Farmaajo keensado qof uu u soo magacaabo.

Dadaalka lagu dhex dhexaadinayo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa qeyb ka ah xubno Wasiiro oo ku jiraan Waxbarashada C/llaahi Carab iyo Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Al-Cadaala.

Si kastaba, Khilaafka Farmaajo iyo Rooble ayaa marka hore ka bilowday xilka qaadis lagu sameeyay Taliyihii hore ee hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daajir, wuxuuna khilaafka sii xoogeystay markii Farmaajo dhimay awoodaha Ra’iisul Wasaare Rooble.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor