Wararkii ugu dambeeyay Shirka Golaha Wadatashiga oo qarka u saaran in lagu kala tago

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo ay ku mideysan yihiin Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa Maanta oo khamiis ah galay maalintii afaraad oo xiriir ah.

Ilo-wareedyo Wargal ah ayaa sheegaya in Shirka Golaha ee looga hadlayo dardargelinta doorashooyinka, hufnaanta, sixitaanka waxyaabihii khaldamay, amniga  iyo jaangoynta xilliga la soo gabagabeynayo doorashada Golaha Shacabka uu qarka u saaran yahay in lagu kala tago, iyadoo doodda ugu weyn ee shalay iyo maanta shirka hareysay uu yahay arrinta Amniga.

Doodda ugu weyn ayaa ka imaanaysay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, taasi oo in haddii aanu mas’uul ka aheyn Amniga guud aan doorasho la qaban karin, waxaana uu tusaale u soo qaatay wixii dhacay 27 December.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Madaxweyne Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen uu ku hanjabay inuu shirka ka tagayo haddii amniga laga hadlayo, halka weli Madaxweyneyaasha  Hirshabeelle iyo Galmudug aysan weli caddeynin mowqifkooda.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa si weyn ugu taageeray Ra’iisul Wasaaraha arrinta Amniga inuu mas’uul ka noqdo, waxaana wararkii ugu dambeeyay ee la helayo sheegayaan in Shirka qarka u saaran yahay in lagu kala tago, iyadoona Shirka ay hareeyeen doodo waaweyn.

Xaalada uu shirkan ku sugan yahay ayaa la mid ah midkii Shirkii April ee sanadkii hore oo ugu dambeyn lagu kala tagay, horseedna u noqday muddo kororsigii labada sano iyo isku dhacyadii Muqdisho ka dhacay ee looga soo horjeeday muddo kororsiga.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor