Wararkii ugu dambeeyay qarax ka dhacay Magaalada Marka

Wararka idacada dalsan ay ka helayso magaalada Marka ee gobolka Shabeelleha hoose ayaa sheegaya in uu ka dhacay qarax Khasaaro geystay waxaana kasoo baxaya faah faahino kala duwan.

 

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa Miino nooca dhulka lagu aasa ah isla markaana uu ka dhacay halka loo yaqaan Maxkamaddii hore.

Dad joobjoogayaal ah ayaa dalsan u sheegay in jugta qaraxa laga maqlay xaafado ka tirsan magaalada isla markaana ay dadku muujiyeen cabsi badan.

Inta la xaqiijiyay qaraxaas Miino waxaa ku dhaawacmay hal qof oo Shacab ah waxaana jiray baaritaano ay sameeyeen ciidamada dowladda iyada oo lagusoo qabtay tiro dhalinyara ah oo lagu tuhmayo in ay ka dambeeyaan qaeaxaan ka dhacay magaalada Marka ee gobolka Shabeellaha hoose.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media