Wararkii ugu dambeeyay Kulamo xasaasi ah oo weli u socda Farmaajo iyo Rooble

Kulankii u dhexeeyay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ee duhurnimadii Maanta bilowday ayaa galay wajiga labaad.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in kulanka Rooble iyo Farmaajo oo markii hore ka furmay Villa Uganda ay dhinacyada horumar ka sameeyeen qodobbada qaar oo la isku fahmay, inkastoo weli doodo adeg ay socdaan.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweyneyaasha maamulada Koonfur Galbeed  iyo Galmudug Axmed Qoorqoor iyo Cabdicaiis Lafta-gareen, sidoo kalena ay ka qeyb galeen Wasiirka Waxbarashada iyo Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta.

Wararka ayaa intaas kusii daraya kulan gaar ah uu Xafiiska Madaxweynaha ku dhexmaray Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble oo kaliya, iyadoo bannaanka uga soo baxeen dhammaan xubnihii kale ee wajiga koowaad ee kulanka qeybta ka ahaa.

Arrintaan ayaa ka dambaysay markii Madaxweyne Farmaajo uu codsaday inuu Ra’iisul Wasaare la yeesho kulan gaar ah oo ay uga doodayaan sidii farsamo ahaan loo fulin lahaa qodobbada la isku afgartay ee lagu xallinayo khilaafka taagan.

Khilaafka Farmaajo iyo Rooble u dhaxeeya ayaa sababay shaqo ka joojintii lagu sameeyay Taliyihii NISA Fahad Yaasiin, waxaana Madaxweynaha uu qaaday talaabooyin uga sii daray khilaafka taagan, taa oo dalka gelisay xaalad siyaasadeed oo cakiran.