Waxaa xalay markale kulan xasaasi ah Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ku yeeshay Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyada dalka ka jira.
Kulankaas ayaa waxaa uu mid daba socday kulankii shalay ay yeeshee Madaxda dowladda, waxaana intiisa badan looga hadlaayay Arrimaha doorashada iyo qaabkii doorasho heshiis lagu yahay u dhici laheyd.
Ilo wareedyo ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa soo sheegaya in Madaxda Dowladda iyo maamulada ay isla garteen in shirarka gaar gaarka ay sii socdaan, ilaa iyo inta la isaga soo dhawaanayo oo xal looga helayo Arrimaha doorashada
Sidoo kale wararka ayaa intaas kusii daraya in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu muujinayo inuu xoogaa ka soo dabcay mowqifkisii adkaa inay dhacdo Doorasho qof iyo Cod ah.
Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ayaa Shirweyne ku yeelan doona Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, waxaana shirkaas uu yahay mid looga hadli doono intiisa badan Arrimaha Doorashooyinka Qaranka