Wararkii ugu dambeeyay Khasaaraha ka dhashay rabshadaha Koonfur Afrika 

Ugu yaraan 72 qof ayaa ilaa iyo haatan la xaqiijiyey in lagu dilay rabshadaha iyo boobka ka dhashay Xariga Madaxweynihii hore ee dalkaasi, Jakob Zuuma oo lagu xukumay 15 bilood.

Hadal ka soo baxay Boliska saqdii dhexe ee xalay ayaa lagu sheegay in 45 qof lagu dilay Gobalka Gauteng iyo 27-kale oo lagu dilay Gobalka KuwaZulu Natal.

10 qof oo kale ayaa ku dhintay Is-buurasho habeen hore ka dhacday Dhismo Ganacsi oo ku taalla magaalladda Soweto oo u dhow magaalladda Johnnesburg.

Sida laga soo xigtay Maamulayaasha dalkaasi, dhimasho iyo dhaawacyo kale ayaa waxay ka dhasheen qaraxyada Mashiinada Lacagaha lagala baxo ee ATM, iyadoo Dibadbaxayaasha doonayeen inay jabsaddan, kuwo kalena ku dhinteen Toogashooyinka kadib.

Rabshadaha iyo boobka ka socda dalkaasi waxay bilowdeen Khamiistii la soo dhaafay, kadib, markii la xiray Madaxweynihii hore ee dalkaasi, Jakob Zuuma.

Waana markii u horeysay ee Taariikhda Dimuqraadiyadda dalkaasi ee Madaxweye hore la xukumo,loona gudbiyo Xabsiga.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor