Wararkii ugu dambeeyay Israsaaseyn caawa ka dhacday Magaalada Gaalkacyo

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya rasaas culus oo caawa laga maqlay xaafado ka tirsan magaalada Gaalkacyo ew gbolka Mudug. 

Wararka ayaa sheegaya in Xaafadda Garsoor ee Gaalkcyo israsaaseyn xooggan ay ku dhexmartay ciidamo Tirsan kuwa Puntland iyo maleeshiyaad hubeysan,kuwaas oo dhowr daqiiqo rasaas aan kala go’ laheyn is dhaafsanayay.

Israsaaseynta ayaa timid kadib markii ciidamada puntland ay Werar ku soo qaadeen Ciidan Maleeshiyaad ah oo aida la sheegay ku sugnaa Barkontarool oo ku taalla Xaafadda Garsoor ee magaalada Gaalkcyo dhinaca waqooyi ee maamulka Puntland.

Ilaa iyo haatan lama oga khasaaraha ka dhashey dagaalka cawa labada ciidan ku dhex marey Gaalkcyo, waxaana wali la maqlayaa rasaas goos goos ah oo ka dhaceysa magaalada Gaalkacyo ee gobolma Mudug.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media