Wararkii ugu dambeeyay ee khasaaraha Duufaan ku dhufatay gobolka Kentucky ee Mareykanka

Kooxaha gurmadka ee gobolka Kentucky ee dalkaan Mareykanka ayaa wali guryaha iyo dhismooyinka burburay ka baaraya, dad ay suurtagal tahay in naf loogu tago, kaddib duufaanti xoogga laheyd ee Jimcihi garaacday gobollo ku yaalla Koofurta iyo Galbeedkadhexe ee Mareykanka.

Saraakiisha ayaa sheegay in dad aad ay wali la la’yihiin korontada yo biyaha, qaar ayaanan heysan hooy, halka kuwo kalana ay ku hoyonayaan guryo aanan saqaf laheyn.

Gobolka Illinois, ugu yaraan lix ka mid ahaa shaqaalaha shirkadda Amazon ayaa ku dhintay duufaanta. Gobolka Arkansas, guri lagu xannaaneeyo waayeelka ayaa waxaa ku dhintay laba qof, Tennessee afar qof ayaa laga soo wariyay in duufaantu ay ku dhishay, halka gobolka Missouri-na la xaqiijiyay dhimashada laba ruux.

Laakin masiibada xooggeeda ayaa ka dhacday gobolka Kentucky, halkaas oo uu guddoomiyaha gobolkaas Andy Beshear uu sheegay Axaddii shalay, in ugu yaraan 80 qof ay ku dhinteen. Wuxuu intaasi raaciyay in tirada dhimashadu ay kor u dhaafi karto 100.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor