Wararkii ugu dambeeyay doorashada Puntland iyo Deni oo codkiisa dhiibtay

Waxaa si habsami leh u socata doorasha cof iyo codka ah ee ay dhiibayanayaan dad weynaha Puntland, iyadoo subaxnimadii hore ee saaka ay dadku safaf dhaadheer galeen si ay u codeeyaan.

Magaalooyinka Qardho, Ufeyn iyo Ayl ayay doorashadu si toos ah uga bilaabatay, waxaana wali socda cod bixinta ay sameynayaan dadka degaanadaasi ku nool, oo wali codadkooda dhiibanaya.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland ayaa goobjoog ka ah doorashada, waxaana sidoo kale  ku sugan degmooyinka ay cod bixintu ka socoto guddiyada doorashooyinka, oo goobjoog ka ah sida ay u socoto doorashada degaanadaasi.

Dad isugu jira qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa cododkooda dhiibanaya, waxaana la arkayaa dad waayeel ah oo ku sugan safafka hore ee doorashada, kuwaasi oo codkoda dhiibanaya.

Madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan halka ay codbixintu ka socoo ayaa maanta codkiisa ka dhiibtay doorashada qof iyo codka ah ee ka socota degmooyiinka kala ah Eyl, Qardho iyo Ufeyn.

Waxaana Siiciid Deni uu si gaar ah kaga codeeyay degmada Qardho oo ka mid ah Seddexda degmo ee saaka ay ka bilaabatay doorashada qof iyo codka ah.

Ammaanka guud ee goobaha codbxiinta ayaa la adkeeyay, waxaana shalaydii hore la geeyay magaalooyinka loo asteeyay doorashada Ciidamo aad u farabadan,kuwaasi oo sugi doona ammaanka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor