Wararkii ugu dambeeyay dagaalkii ka dhacay duleedka Gaalkacyo

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal  Khasaaro geystay oo saaka ka dhacay duleedka Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, kaas oo u dhexeeyay laba maleeshiyo beeleed.

Dagaalkaas ayaa waxaa sigaar ah uga dhacay
Taaroge oo ka tirsan Gobolka Mudug, waxaana  maleeshiyaadka la dagaalmay ay kasoo kala jeedan maamulka Galmudug iyo Puntland, iyadoo dagaalka uu socday saacado dhowr ah.

Ugu yaraan laba ruux ayaa ku geeriyooday dagaaalka, halka 5 qof kalena dhaawac uu soo gaaray, kuwaasi oo dhamaantood la sheegay inay yihiin labada dhinac ee dagaalamay.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in dagaalka uu yahay mid soo noq noqday, isla markaana salka ku haaya Dhul daaqsimeed iyo Aanoyin qabiil oo weli xal aan xal laga gaari, iyadoo dhowr jeer la sameeyay dadaadlo nabadeed.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulada Puntland iyo Galmudug oo ay uga hadlayaan dagaalkii saakay kasoo cusboonaaday deegaanka Taaroge ee ku yaalla duleedka Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media