Wararkii ugu dambeeyay Dagaal khasaaro geystay oo ka dhacay Mudug

Warar dheeraad ah aya  kasoo baxaya dagaal kooban oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Mudug, kaasi oo u dhexeeyay laba maleeshiyaad beeleed oo hubeysan.

Dagaalkan ayaa sigaar ah uga dhacay meel ku dhow tuulada lagu magacaabo ceel-caday oo ka tirsan deegaanka Warshubo ee Gobolka Mudug, waxaana la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalkii dhacay oo soo kala gaaray dhincyada, iyadoo uu salka ku haayo arrimo la xiriira muran dhul oo muddooyinkii u dhexeeyay beelalaha Colaada dhexmartay.

Dadka deegaanka ayaa ku warramay in saaka xaalada ay tahay mid degan, in kastoo labada dhinac ay wadaan hub uruursi, isla markaana waxaa socda dadaalo lagu doonayo in looga baaqsado dagaal kale oo dhaca.

Muddooyinkii ugu dambeeyay deegaano ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa waxaa kusoo badanayay dagaal beeleedyo iyo dilal ku aadan aanooyin qabiil, waxaana Galmudug ay sheegtay inay wado qorshe Colaadahaas looga hortegayo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media