Wararkii ugu dambeeyay dagaal Alshabaab iyo Kooxda Macawiisley ku dhexmaray gobolka Sh/hoose

Wararka Idacada dalsan ee magaalada Muqdisho ay ka helayso deegaano ka tirsan gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay dagaalo culus ay dhex mareen dagaalamayaasha Alshabaab iyo kooxda Macawiisley.

Dagaaladaan ayaa yimid kadib markii Alshabaab ay weerar culus ku qaadeen deegaanada Yaaqbariweyne  iyo Kab-hirig oo ay maamulaan xubno ka tirsan kooxda Macawiisley oo aad u hubaysan.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in dhowr maalmood uu socday dagaal u dhaxeeyay Alshabaab iyo Kooxdaan isla markaana uu ka dhashay khasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray dhinacyada dagaalamay.

Saraakiil ka tirsan ciidamada xogga ayaa sheegay in Alshabaab khasaaro xoog leh uu kasoo gaaray dagaalkaas iyada oo ay uga dhinteen dagaalyahano badan sida uu hadalka u dhigay,waxaana maraca qaar layaa rasaas goos-goos ah oo labada dhinac ay isku adeegsanayaan.

Dhinaca kalana warar soo baxaya ayaa sheegaya in Alshabaab ay afduubteen ku dhawaad 4-qof oo dadka deegaanka ah iyada oo markii dambana ay dileen,sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal iyo Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda.

Deegaanada dirirtu ay ka dhacday ayaa aad ugu dhow Saldhigga ama Garoonka Diyaaradaha ee Bali-doogle ee gobolka Shabeellaha hoose,halkaas oo Maraykanku uu ku tababaro ciidamada gaarka u tababaran ee Danab.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media