Wararkii ugu dambeeyay Dad ku le’day Shil Maanta ka dhacay Kenya

Ugu yaraan 20 qof ayaa geeriyooday, halka 14 qof kalena ay dhaawacmeen, kadib markii Maanta shil gaari uu ka dhacay wadada dheer ee xiriirisa deegaanka Malindi iyo Magaalada Mombasa ee dalka Kenya.

Wararka aan ka heleyno halka uu shilka ka dhacay ayaa waxaa ay sheegayaan in shilkaas uu ka dambeeyay, kadib markii ay isku dhaceen laba gaari oo mid noociisa uu ahaa Bas oo ay saarnaayeen dad badan iyo gaari yar.

Guddoomiyaha dowladda Kenya ugu magacaaban Ismaamulka Kilifi Kutswa Olaka ayaa waxaa uu sheegay in shilkaas dhacay uu geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, isla markaana dadka dhintay ay ku jiraan shaqaale dowladeed.

Sidoo kale waxaa uu sheegay Guddoomiye Olaka inay wadaan baaritaano kala duwan oo ku aadan shilkaas ka dhacay wadada u dhexeeysa Malindi iyo Magaalada Mombasa ee dalka Kenya.

Dadka dhaawacmay ayaa waxaa la geeyay Xarumo Caafimaad oo ku yaalla gudaha Kenya, waxaana dadka qaarkood ay dhaawacyadooda yihiin kuwo culus, iyadoona uu burbur soo gaaray gaarigii yaraa.

Wadada xiriiriso deegaanka Malindi iyo Magaalada Mombasa ee Gobolka Xeebta ee Kenya ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay Shilal gaari oo geystay khasaaro kala duwan, waxaan shilalkaas loo sabababeeyay darawalada oo gaadiidka xawaare ku waday.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor