Fayraska korona ayaa ku soo laba kacleeyey oo haatan aad ugu fidaya dalka Maraykanka waxaanay tirada dadka uu ku dhacay haatan gaartay in ka badan laba milyan iyo bar qof.
Waxaa laga soo sheegayaa Gobollo dalkaa ku yaalla tiro badan oo hor leh oo uu ku dhacayo cudurku, waxaanay arintaasi cabsi badan ku abuurtay khubarada caafimaada iyo dadka caadiga ah ee Maraykanka labadaba.
Dalka Mareykanka ayaa waxaa uu kamid yahay dalka uu sida darran u sameeyay Cudurka halista ah ee Coronavirus oo aduunka oo ka dhan ku faafay, kaasi oo markii hore kasoo bilowday dalka shiinaha.