Warar dheeraad ah oo kasoo baxaya dil ka dhacay Gobolka Galgaduud

Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud ee bartmaha Soomaaliya ayaa ku warramaay in halkaasi uu ka dhacay dil, loo gaystay qof shacab ah,waxaana kasoo baxaya faah faahinno dheeraad ah ooku aaddan dilkaasi.

Wararku waxaa ay intaas ku darayaan in Miyiga degmada Cabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud xalay saq dhexe lagu dilay Nin Xoola dhaqato ah, kaasi oo ay dilkiisa ka dambeeyeen dabley hubaysan,oo sida la sheegay goobta isaga baxsaday dilka kadib.

Marxuumka dilka loo gaystay ayaa Magaciisa lagu soo koobay Januune ayaa kamid ahaa Xoolo dhaqatada Gobolka Galgaduud, iyadoo dilkiisu uu salka ku hayo arrimo la xariira Aaanooyin Qabiil, sida ay sheegayaan dadka degaanka.

Gobolka Galgaduud ee Bartamaha Soomaaliya ayaa inta badan waxaa ka dhaca dilalka la xariira aanooyinka qabiil, waxaan tiro dhowr jeer ah Gobolkaasi loogu dilay dad shacab ah, kuwaasi maamulka Galmudugiyo Dowladdu ay horay u sheegeen in ay wax ka qaban doonaan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor