Waqtiga uu xilka la wareegayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo la shaaciyay

Madaxweynaha Xafiiska Jooga Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan is-xogwaraysi ah ku yeeshay Madaxtooyada Qaranka.

Labada labada dhinac oo markii saddexaad ku kulmay Madaxtooyada Qaranka, ayaa kulankoodan iskaga xog waraystay xaaladda guud ee dalka, sidii wadajir loogu sii ambaqaadi lahaa geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya.

Kulanka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed Farmaajo ayaa inta uu socday waxaa sidoo kale looga wada hadlay qabanqaabada Munaasabadda Xil-wareejinta Madaxweynaha.

Guddiga Qabanqaabada Xil-wareejinta Madaxweynaha ayaa go’aamiyey in Munaasabadda Xil-wareejintu ay dhacdo maalinta isniinta ah oo ku beegan 23 bishan May, iyada oo ay Madaxtooyada Qaranka ka dhacayso munaasabad ballaaran oo ay xilka kula kala wareegayaan Madaxweynihii 9-aad ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaba 10-aad ee JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor