Waqtiga uu furmayo Kal-fadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Somalia oo la shaaciyay

Guddiga Joogtada ah ee labada Aqal ee Baarlamaanka  Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Isniin kulan ku yeeshay Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xilliga rasmiga ee uu furmayo Kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka iyo waqtiga loo Yeerayo Guddiga Madax-banaan ee Doorashooyinka Qaranka si looga shagaysto Warbixinta Doorshooyinka Dalka.

Intaas kadib Guddiga Guddiga Joogtada ah ee labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa isku raacay in Kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka uu furmi doono 6-da bisha soo socota ee June.

Sidoo kale Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Qaran Xaliima Yarey ayaa Baarlamaanka hortegi doonta 27 Bisha June ee 2020, si ay warbixinta doorashada dalka uga hor-jeediso Baarlamaanka.

27-ka bishan May oo la filayay in Guddoomiye xaliima Yarey inay hor-tagto Baarlamaanka, hayeeshee dib u dhac ku yimid, waxaana la filayaa in dabayaaqada Bisha June  inay Baarlamaanka warbixin ka jeediso.

Kal-fadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu  waday inuu furmo 20-ka Bishii April 2020, balse Qoraal kasoo baxay Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee dalka ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo Cabdi Xaashi ayaa lagu shaaciyay inuu dib u dhac uu ku yimid furitaanka Kal-fadhiga.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media