Waqtiga uu furmayo Kal-fadhiga 6-aad ee Golaha Shacabka oo la shaaciyay

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa shaaciyey in Kalfadhiga 6aad ee Golaha Shacabka uu furmi doono maalinta Arbacada ah ee soo socota oo ay Taariikhda ku beegan tahay 09ka October 2019.

Qoraal uusoo saaray Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo nuqul ka mid ah heshay Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa lagu faray Xildhibaannada dalka ka maqan iney deg deg dalka ugu soo laabtaan.

Kal-fadhiga lixaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa lagu waday inuu furmo 27-ka Bishii l asoo dhaafay ee September ee 2019,hayeeshee dib u dhac aan la shaacin ayaa ku yimid.

Hoos ka Akhriso Qoraalka uu soo saaray Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media