Waqtiga la dhageysanayo Dacwada Xildhibaanadii xasaanada laga qaaay oo la shaaciyey

Xildhibaanadii ka tirsanaa Puntland ee dhamiistii lasoo dhaafay xasaanada laga qaaday ayaa Dacwad ka dhan ah xilka qaadistooda u gudbiyay Maxkamadda sare ee Puntland, waxaana Maxkamadda ay muddeeysay waqtiga ka dhageysanayo Dacwadaas.

Xildhibaanadaas oo gaaraya ilaa iyo 8-xubnood oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in xilka qaadistooda loo maray si sharci darro ah, isla markaana Go’aankii ay gaareen Xildhibaanada Puntland uu yahay mid qaldsan, iyagoona eedeeyay Guddoonka sare.

Maxkamadda sare ee Puntland ayaa shaacisay in Dacwada ay soo gudbiyeen 8-dii Xildhibaan la dhageysan doono 10-ka bishan December oo ku beegan Khamiista, iyagoona Dacwadaas Xildhibaanadii hore ka gudbiyay xilka qaadistii lagu sameeyay.

“Dacwadda kiiskan, waxa la dhegaysan doona 9:00am subaxnimo ee maalinta Khamiista ah, ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay Maxkamadda sare ee dowlad Goboleedka Puntland.

Xildhibaanada xasaanada laga qaaday ayaa sheegay in ay weli yihiin Xildhibaano, isla markaana si sharci darro ah Baarlamaanka Puntland u maray xilka qaadistooda, iyagoona Xukuumadda ku eedeeyay inay ka dambeeysay arrintii dhacday.

Xildhibaandii xilka laga qaaday ayaa kala ahaa Maxamuud Maxamed Barre, Cabdicasiis Siciid Maxamuud (Baduugaaye), Maxamuud Axmed Caalin, Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed, Saleebaan Faarax Ciise, Cabdiqani Abshir Jaamac ( Surato) iyo Muuse Siciid Xassan (Jajabsay).

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media