Waqtiga la Aasayo Marxuum Nuur Cadde oo la shaaciyay

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen Nuur Cadde oo dhawaan Cudurka halista ah ee Coronavirus ugu geeriyooday Magaalada London ayaa Maanta waxaa la shaaciyay waqtiga la aasi doono.

Qoraal kasoo baxay Qoyska Marxuumka ayaa lagu xaqiijiyay in Nuur Cadde la aasi doono Maalinta barri oo Jimco ah, isla markaana lagu aasi doono qabuuro ku yaalla Magaalada London markii saacada UK tahay 04:00 galabnimo, halka xiligaas ay Muqdisho ku beegan tahay 06:00 Maqribnimo.

Sidoo kale Qoraalka qoyska ayaa waxaa Ummadda Soomaaliyeed looga Codsaday inay u soo duceeyaan Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya inuu Alle Janada ka waraabiyo, sidoo kalena u tukadaan Salaad Janaazo qaa’ib ah.

Allaha u naxariistee Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Cadde ayaa u geeriyooday Cudurka halista ah ee Coronavirus oo kusii faafaya dalal badan oo ku yaalla Caalamka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media