Waqtiga iyo Garoonka lagu Ciyaarayo kulanka MCC iyo Horseed oo la shaaciyey

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Xarunta Aqalka Dowlada Hoose kulan kula qatay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya, Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha, Xiriika Kubadda Cagta iyo xubno kale.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay kulanka Ciyaareedka lagu go’aamin doono kooxda ku guuleysanaysa horyaalka SomaliPremier League ee xilli ciyaareedkan oo u dhexeeya MCC iyo Horseed.

Qoraal kasoo baxay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu shaaciyay in ciyaarta adeg ee dhexmari doonta MCC iyo Horseed lagu qabanayo Garoonka Eng. Yariisow Stadium, isla markaana ay dhaceyso 2-da Bisha Augosto 2021.

Labadaan kooxood ayaa isku dhibco ku dhammaystay horyaalka Somali Premier League, waxaana loo baahday in lagu kala saaro kulan kala bax ah, kaasi oo ka dhici doono Garoonka Eng. Yariisow Stadium ee degmada Cabdicaiis ee Muqdisho.

Kulankan Playoff-ka ayaa laga soo wareejiyay Garoonka Stadium Mogadishu oo inta badan qeybihii dambe ee horyaalka Somali Premier League lagu ciyaarayey, waxaana sababta lagu sheegay in Garoonkaas uusan laheyn shabaq celiya taageerayaasha tegaya halkaas.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor